Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in aanu xilligan jirin khilaaf ka dhaxeeya maamulka Galmudug gaar ahaan garabkooda iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay sax tahay khilaafka maamulkooda u dhaxeeya islamarkaana keenay iney ku kala shaqeeyaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, balse aanay jirin wax ay dhankooda dowladda isku qabteen.
Carabey ayaa sheegay in ay is khilaafsan yihiin DFS iyo garabka madaxweyne Xaaf waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments