Guddi Loo Saaray Aaska Meydka Wasiir Xoosh Jibriil
Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u diyaariya wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday Dubai.
Xubnaha Guddiga ayaa kala ah.
1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed
2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad
3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow
4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre
5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle
6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame
7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi
Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya