Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in shil gaari uu ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Gaarigan weyn oo waday dhuxul ayaa la sheegay inuu ku rogmaday halkaasi, waxaana ku dhintey Labo qof oo gaarigaasi la socotay iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa loola soo cararay isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho oo lagu daweynayo.




From the comments