Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa Somaliland uga digay daan-daansi uu sheegay iney ka waddo deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag.
Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ciidanka Somaliland ay maalmahan dhan ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo deegaanno ka mid ah Sool, islamarkaana ay rabaan in mar kale soo weeraraan dhulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale, Dani ayaa sheegay in marar badan ay nabadda ka shaqeynayeen, islamarkaana ay diidanaayeen in colaad iyo dagaallo kale ay dhacaan.




From the comments