Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xog-waysi ah kula yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiriirka dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, qorshaha amniga, waxbarashada, caafimaadka, doorashooyinka, Shaqo abuurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo barnaamijka Cafinta daynta lagu leeyahay dalka.
Dhammaan mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna mas’uuliyadi ka saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga oo intaa raaciyay in ummadda Soomaaliyeed kula xisaabtamayaan inta ay xilka hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan.




From the comments