Shirkaan oo sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya waxa diirada lagu saaray nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo awoodaha heerarka dowladda.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolkaani iyo Madax kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.




From the comments