Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland lagu qabto doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenka golahaasi.
Guddiga arrintan u xilsaaran ayaa ku wargeliyey 31-ka xubnood ee shalay loo xulay iney noqdaan golaha deegaanka Gaalkacyo in ay maanta doorashadan gelayaan.
Waxaa jira musharraxiin dhowr ah oo u taagan xilka guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.




From the comments