Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka hadlayey xafladda furitaanka kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan.
Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda”.
Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa uu guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka uga mahadceliyey shaqada ay ka qabteen dib u eegista Dastuurka




From the comments