Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu soo dhaweeyey wahadala u socda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in meel wanaagsan marayaan arrimaha wadahadala.
Axmed Madoobe oo arrintan ka hadlayo waxaa uu yiri “ Wada hadal dheer baan galnay, wax badan oo xaaladda dalku ku jiro iyo maxaa nala gudboon, ummadan sidee lagu badbaadiyaa, horumarka iyo wax walbo waan ka wada hadalnay, waxaana filayaa wax badan baan isla soo meel dhignay”.




From the comments