Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka inay ka billaabato qeybtii koowaad ee maxkamad ka dhan ah Maxamuud Nuur oo ah askari ka tirsanaan jiray boliiska Minneapolis.
Maxamuud ayaa ku eedeysan dilka haweeney u dhalatay dalka Australia. Dacwaddaan ayaa bilaabaneysa kaddib markii la soo xulay xeer beegtida qaadeysa dacwadda waxaana la filayaa inay soo bandhigaan caddeymo la xiriira in Maxamuud uu dambiga galay ama inuu ka madax bannaan yahay dambigaan loo haysto ee ah dilka haweeyneyda.
Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi doonta qaabka ay dacwaddu u dhici doonto waxayna soo uruurin doonaan oo ay faahfaahin ka bixin doonaan waxyaabaha inta dacwaddu socoto laga doodi doono markaas kaddibna waxaa xigi doona in khareennada u doodaya eedeysanaha oo iyaguna ka jawaabi doona dacwadda loo hayso Maxamed oo mararka qaarna ay dhici karto inay ka gaabsadaan si dib loogu dhigo dacwadda.




From the comments