Goobjoog

Dagaal Beeleed Ka Socda Degmada Wanlaweyn Ee Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in qaab beeleed ay…

Dagaal Beeleed Ka Socda Degmada Wanlaweyn Ee Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad la sheegay in qaab beeleed ay u abaabulan yihiin.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay iney isku haystaan Isbaaro lacag looga qaado gaadiidka oo halkaasi ku taalla, waxaana jira khasaare.

Inta naloo xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey 7 qof iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments