Koox hubeysan ayaa ku afduubtay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba meel u dhaw xuduudda Kenya ay la leedahay Soomaaliya maanta oo Jimce ah waxaana xilliga la afduubanayey dhaqaatiirtaas ay kusii jeedeen goobtooda shaqada. Ka hor inta aan la afduuban labadan muwaaddin ee kasoo jeeda Cuba waxaa la toogtay sarkaal Boliis ah oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidanka Kenya.
Taleefishinka KTN NEWS ee dalka Kenya ayaa sheegay in Boliiska ay uga shakisan yihiin dhacdadan kooxda gacan-saarka la leh AlQaeda ee Alshabaab. Muuqaal uu baahiyey Taleefishinka Citizen ayaa muujinaya Boliiska Kenya oo difaacyo ka sameysanaya waddo aadda dhanka xuduudda Soomaliya iyo Kenya.
Afhayeenka Boliiska dalka Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Dabley wadata laba gaari oo Toyota ah inay joojiyeen gaarigii ay la socdeen labada dhaqtar iyo laba sarkaal oo Boliis ah xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandera.




From the comments