Militeriga dalka Mareykanka ayaa ka fuliyey duqeyn dhanka cirka ah koofurta Soomaaliya iyagoo beegsanaya xarrakada Alshabaab oo ah koox ka dagaallanta geeska Africa gacan saarna la leh AlQaeda. Duqeynta ayaa dhacday xilli Mareykanka iyo ciidamada midowga Africa taageero ee Soomaaliya ay isku-dayeen inay Alshabaab gacanteeda ka bixiyaan goobta la weeraray.
Duqeyntii ugu dambeysay ayaa ka dhacday magaalada jilib 9kii April waana magaalo dhacda dhinaca koofureed ee dalka Soomaaliya waxaana duqeyntaas lagu dilay 1 dagaallame oo ka tirsan Alshabaab mana jirin waxyeello soo gaartay shacabka sida taliska ciidama ee Mareykanku ku leeyahay Africa uu sheegay.
Jilib waa magaalo ay si buuxda u haysato Alshabaab waxaana Mareykanku ku qaaday 9 weerar oo dhanka cirka ah kooxda gacan saarka la leh Al-Qaeda tan iyo bishii Oct 2013 markii diyaarad dagaal ay dishay Anta Anta kaasoo sida la sheegay ahaa maskaxdii ka dambeysay hawl-gallada ismiidaaminta ah ee Alshabaab. Bishii March sannadkii 2016 Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa waxay dileen Xasan Cali Dhoorre oo ahaa hoggaamiye ka wada tirsan AlQaeda iyo Alshabaab kaasoo sidoo kale ka mid ahaa sirdoonka Alshabaab.




From the comments