Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa sheegay in dhowaan la dhisayo guddi u gaar ah oo soo baara arrimaha kufsiga la xiriira.
Hindisaha guddigaan ayaa ka dhashay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’addaha garsoorka Puntland, iyagoo ka doodayay sababaha qarsoon ee ka dambeeya kufsiyada isdaba jooga ah.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu guddigaan kusoo magacaabo degreeto.




From the comments