Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay la kulmeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, ayaga oo kulanka ay albaabadu u xirnaayeen, Saxaafaduna dibad joog ka aheyd, wararka ayaa sheegaya in looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho ay qeybgalaan labada xisbi.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wada gaareen labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye iyo sida labadaas xisbi oo kaliya ay doorasho ku gali karaan maadaama xisbiga Wadani uu qaadacay shirka ayagoona horay ugu baaqay in la kala diro guddiga doorashada.
Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid iyo Guddiga doorashooyinka ayaa ku balamay in kulan danbe dib laysugu yimaado, waxaana rajo xumo laga muujiyey qabsoomidda doorasho ay 3-da xisbi ku loolamaan.




From the comments