Aqoonyahan Cali Saciid Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in siyaasiyiinta u ogolaato iney shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in cid walba aragtideeda ay xor u tahay iney soo bandhigto waxa maankeeda ka guuxaya, loona baahneyn in la caburiyo.
Sidoo kale, aqoonyahankan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qudhooda laga doonayo iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana iska ilaaliyaan wax walbo oo sharaf dhac keeni kara.




From the comments