Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay.
Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka.




From the comments