Raiisalwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kormeer Ku Tegay Xarun Wasaarad Iyo Saldhig Ciidan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xukuumadda federalka ee Soomaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaradda maaliyadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka, xisaabiyaha guud iyo agaasimaha guud ee wasaardda, waxa uuna kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka hor-tebinta leh ee wasaaradda gaar ahaan halbeegyada wasaaraddu ay ku leedahay tubaha qaranka
Saldhigga booliiska degmada Xamar-wayne ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sidoo kale kormeer ku tegay, waxa uuna war-bixinta amniga degmada ka dhagaystay taliyaha saldhigga, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ballaran ee ay booliisku bulshada u hayaan bulshada ku dhaqan dagmada .