Isagoo ka jawaabayey warkii wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ay u gudbisay congresska kaasoo ahaa hawlgallada ciidanka Mareykanku ay u geystaan dadka rayidka ah ayaa Daphne Eviatar oo ah agaasimaha dhanka amniga ee hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International “USA” ayaa sheegay:
“In war-bixintii ugu dambeysay ay tahay tillaabo in la soo dhaweeyo mudan lagulana xisaabtamayo waxyeellada soo gaarta dadka rayidka ah oo ay saameeyaan hawlgallada militari ee dalka Mareykanka laakiin wax badan ayaa weli loo baahan yahay si loo qiro baaxadda ay leedahay waxyeellada iyo waliba dadka ka badbaaday ee wali la tacaalaya dhibkii soo gaaray.
“Waaxda gaashaandhigga nasiib-darro wali waxay hoos u dhigeysaa tirada dadka shacabka ah ee ay saameeyeen weerarrada ay geystaan hawlgallada Mareykanku hor kacayo, Sida lagu muujiyey war-bixinteennii faahfaahsaneyd ee tilmaameysay waxyeellada loo geysto shacabka Soomaaliyeed iyo Syria.”




From the comments