Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation.
Brenthurst Foundation ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan.
Madaxweyne Olusegun Obasanjo waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan.




From the comments