Somaliland ayaa Soo jeedisay in dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray.
Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya
Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya




From the comments