Maanta oo Isniin ah ayaa guud ahaan dalalka Islaamka ah waxaa laga sooman yahay maalinta Koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka.




From the comments