Ciidamada Ammaanka Oo Duleedka Muqdisho ku Qarxiyay Miino
Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta deegaanka Waydow ka soo saaray Miino tankeeda uu yahay mid aad u culus.
Miinadan ayaa waxaa lagu aasay laamiga dhinaceeda, waxaana hawlgal Ciidamada ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay soo saaraan.
Miinada oo aheyd mid culus ayaa la geeyay meel barxad ah, waxaana halkaasi ugu tagay Saraakiil Cadaan ah iyo Ciidanka Booliska qaybta u tababaran Qarxinta Miinooyinka.
Intaasi kadib ayaa waxaa goobta fagaaraha lagu qarxiyay miinada oo dhawaqeeda si wayn loo maqlay.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay miinadaasi inay aheyd mid aad u culus oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay si dhibaato loogu gaysto Ciidanka wadada isticmaala.
Inta badan Qaraxyada Shabaab ay ka gaysteen deegaanka Waydow ayaa waxa ay halkaasi kula eegtaan gaadiidka Amisom & kuwa dowladda Federalka Somaliya ee halkaasi mara.
Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa maanta deegaanka Waydow ka soo saaray Miino tankeeda uu yahay mid aad u culus.
ayaa waxaa lagu duugay laamiga dhinaceeda, waxaana hawlgal Ciidamada ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay soo saaraan.

GoobjoogNews