DEG DEG: Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Saddex Ka Mid Ah Raggii Loo Haystay Dilka Iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas
Sheeko:Dalka

Maxkamadda Derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa goor dhow waxa ay xukun dil ah ku riddey Saddex ka mid ah 10-kii qof ee loo haystay dilka iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 11-sano jir ah.
Guddoomiyaha Maxkamaddan, Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhowaaqay xukunkan, waxaana dadka dilka lagu xukumay ay kala yihiin.
- C/fitaax C/raxmaan Warsame
- C/salaan C/raxmaan Warsame
- C/shakuur Maxamed Dige
Maxkamadda ayaa fasaxday 7-dii kale ee kiiskan loo haystay, iyadoo dhanka kalena sheegtay in racfaan uu ka furan yahay muddo bil ah.
Goobjoog News