Dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa ku fidey meello badan oo magaalada ah, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu yahay mid dhallinyaro hor leh ay kusoo biirayaan.
Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin.
“Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya.




From the comments