Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.
“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.




From the comments