Sumaya Shidane waa gabar soomaaliyeed oo 16 jir ah kuna nool Magaalada Ovrhalla ee gobolka Trøndelag. Waxay kamid tahay garsoorayaasha ciyaarta kubada cagta kooxaha dhalinyarada ee dalka Norway.
Sumayo ayaa warbaahinta u sheegtay in arrintaan ay ku dhalisay maadaama qoyska ay ka dhalatay aad looga xiiseeyo daawashada iyo ciyaarista ku badda cagta.
”Waxa igu dhaliyay walaalo badan ayaan leeyahay oo aad u jecel daawashada kubada cagta,waqti aan wada fiirsanaynay ciyaaraha champions league iyo premier league aan taageero kooxaha Barcelona iyo liverpool, markii dambe waxan iska fiirin jiray nimanka Albiitaraha ah sida ay firinbiga u foorinayaan sida ay u farsamaynayaan,ka dib waan raadiyay in ay gabdho leeyiihiin oo shaqadaas qaban karaan, maadaama an helay jaaniskan waan ka qeyb galay,go’aan kadib waxan qaatay koorso”sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Sumaya”




From the comments