Villa Somalia Oo Yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano ah

Villa Somalia ayaa waxaa loo magacaabay agaasime cusub Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) kaas oo baday agaasimihii hore marwo Aamina Saciid Cali
Villa Soomaaliya ayaa yeelatay Agaasimihii 5-aad Muddo 2 Sano.
Halkaan ka Akhriso Magacyada iyo sida ay u kala horeeyeen.
1. February 16, 2017: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Dr. Cali Saciid Faqi.
2. March 2, 2017: Abuukar Cabdi Cusmaan oo loo yaqaano Abuukar Baalle ayaa isna noqdey!
3. June 2017: waxaa Agaasimaha madaxtooyada noqday Fahad Yaasiin isaga oo hayey jagadaasi sanad wax ka badan.
4. August 2018: Dr. Aamina Saciid Cali ayaa Fahad ka dhaxashay jagada, horayna ku-xigeenkiisa u aheyd waxaa ay heysay 9 bil.
5. May 2019: Maanta ayaa agaasimihii 5aad loo magacaabey Villa Somalia, waana Nuur Diiriye Fuursad.
Goobjoog News