Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad.
Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.




From the comments