Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib loogu soo celiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo habeenkii xalay ahaa ku hoyday garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta kadib markii loo diiday iney gudaha u galaan magaalada Nairobi ee Kenya.
Xubnaha maanta dib ugu soo noqday Muqdisho waxaa a mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Cismaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Daahir, iyaga oo garoonka Jooma ku xanbnaa in ka badan 15 saac.
Goobjoog ayaa xiriir la sameysay qaar ka mid ah mas’uuliyiintan si aan faah faahin badan uga helno sababta loo soo celiyey, hase ahaatee waa inoo suurtageli weysay.




From the comments