Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay hadallo sheegaya in saraakiil ka tirsan garoonka magaalada Nairobi ay u diideen saddex qof oo Soomaali ah kuwaasoo haystay Passporka Diblomaasiga dal-ku-galka Kenya maalintii Isniinta.
Saraakiisha laanta socdaalka ayaa ka dalbaday saddexdaan qof ee haystay passporka diblomaasiga inay fiisaha dalka Kenya kasoo qaataan safaaradda Kenya ee Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Monica Juma ayaa ka gaabsatay inay ka war-bixiso arrintan iyadoo sheegtay inaysan xog badan ka hayn arrintan laakiin sheegtay in qof dal-ku-gal sharci ah haysta oo loo diiday Kenya inaysan jirin.
U diiditaanka saraakiishan Soomaalida ah dal-ku-galka Kenya ayaa loo arkay in markale uu dib u soo laabtay qilaafkii u dhaxeeyey Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay jirto in wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal inay ku heshiiyeen bishii hore in la xasiliyo xiriirka labada dal kaddib murankii diplomaasiyadeed ee taagnaa muddada laba bilood ah kaasoo ka dhashay xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya.




From the comments