wararka naga soo gaarayo degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya inuu goordhow ka dhacay Qarax inta u dhaxeyso X control Afooye iyo Isgooyska Xoosh.
Qaraxa ayaa ahaa qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxa uuna haleelay gaari ciidanka boliiska ay wateen oo goobta marayay ahaa nuuca Cabdi bilaha loo yaqaano, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah iyo ciidankii qaraxu haleelay.
inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday halka sedex kale ay dhaawacmeen oo ka mid ah uu yahay ciidamada booliska Soomaaliya.




From the comments