Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiuu hoggaaminayo ayaa u amba baxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku marti qaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee kasoo qeyb galaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wada jirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.




From the comments