Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney Soomaaliya ku taageereyso ilaa £8 million oo wax looga qabto abaarta ka jiro goobo badan. Meelaha sida gaarka ah loo xusay waxaa ka mid ah cunto la’aan, nafaqada, biyo nadiif ah, caafimaadka dadka iyo xoolaha iyo arrimo kale.
Iyada oo aaney dad badan ka soo kaban abaartii 2017-kii ayaa waxaa helay dhibaato kale, 2 sano ayaaney roob di’in taasi oo xaaladda khatar gelisay.
Hey’adda OCHA waxaa ay ku qiysaastay in ilaa 5.4 million oo Soomaali ah ay haatan wajahayaan cunto yari, oo 2.2 million ay aad u daran yihiin.




From the comments