Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana Musharaxiinta ku sugan Magaalada Qaarkood ay sheegeen in ay Qaraxyo ka badbaadeen.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kismaayo




From the comments