Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Karaash oo biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa.
“Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash.




From the comments