Weriye Cali Muumin oo ka kirsan warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa saaka lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.
Saacado ka hor xarigiisa waxaa soo gaartay warqad looga yeerayo goobtaas, laakin markii uu tagay ayaa lagu wargeliyey inuu xarig yahay.
In kasta oo hey’adda qabatay weriyaha aaney sababta xariga la wadaagin warbaahinta uu u shaqeeyo hadana wararka qaar ayaa sheegaya in lagu heysto qoraal imtixaannada la xiriira uu soo dhigay bartiisa Facebook.





From the comments