Kenya ayaa arrin muhiim ah u aragta dadaalka Somaliland ugu jirto inay hesho aqoonsi calami ah, Safiirka u fadhiya Somaliland dalka Kenya Bashe Cumar ayaa sheegay hadalkaan kaddib kulan ay la yesheen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya.
Usbuucii hore mas’uuliyiin ka socota Somaliland ayaa la kulmay hoggaamiyaal sare oo Kenyan ah iyo ganacsato si ay uga wada-hadlaan qaabkii loo xoojin lahaa dhaqaalaha iyo iskaashiga Kenya iyo Somaliland.
Hoggaamiyaasha Somaliland ka socday oo la kulmay Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ka wadahadlay xoojinta ganacsiga u dhaxeeya labada dal. Kulankan oo uu qeyb ka qaatay fududeyntiisa safiirka Somaliland ee Kenya ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u adkeyn lahaayeen xiriirka ganacsi iyo amniga.




From the comments