Goobjoog

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Danjire Kuwo Kalena U Yeeray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxa ugu magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya. “Madaxweynaha…

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Danjire Kuwo Kalena U Yeeray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxa  ugu magacaabay  C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya  u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiin u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Cusub ee soomaaliya u fadhin doona Boqortooyada sacuudi carabiya ayaa ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda federalka Soomaaliya .

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa  u yeeray Danjireyasha Soomaaliya u jooga dalalka Masar iyo suudaan,iyada oo laga dalbaday in mudo todobaad gudaheed ah ay ku yimaadaan Soomaaliya.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments