Waxaa berri oo jimco ah, 31-da bishan May lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka lagu qabto shirka madaxdeedka caadiga ee 14-aad ee ururka iskaashiga Islaamka.
Shirkan oo loogu magac daray “Aan u midowno Mustaqbalka”, waxaa ku baaqay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis, iyada oo lagu wado in looga hadlo in la midoobo, xal loo helo arrinta Khaliijka, Falastiin iyo Kashmiir.
Waxaa kale oo shirka looga hadli-doonaa “heshiiska qarniga” ee ay soo jeediyeen Mareykanka, taasi oo xal looga gaarayo loolanka Falastiin iyo Israel.




From the comments