Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa xukunno ku ridday shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo iyadoo raggaan ay ku wareejiyeen Seychelles Midowga Yurub bishii April sida ciidanka boliisku sheegay Talaadadii.
Raggaan la tuhunsan yahay ayaa waxaa u soo gacan-geliyey dowladda Seychelles hawlgalka Midowga Yurub 26-bishii April kaddib markii ay qabteen Maraakiibta Midowga Yurub. Ragga la tuhunsan yahay ayaa loo soo gudbiyey Seychelles iyadoo la raacayo heshiiska isku gudbinta ee ka dhaxeeya Seychelles iyo Midowga Yurub Waxayna markii ugu horreeysay kasoo muuqdeen maxkamadda maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd April 29.
Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadkaan oo ah 5 qof inay maxkamadda kasoo muuqan doonaan. Mid ka mid ah burcad-badeedda ayaa la xiray loona soo gudbiyey Seychelles bishii November 2017.




From the comments