Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda fedraalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay Isdhex galka dhagaale iyo ganacsiga ee gobalka geeska Afrika.
Shirka oo ay ka qayb galeen wasiirro kamid ah xukuumadda ayaa aad looga dooday sida Soomaaliya ay u diyaarin karto mashaariic dalka faa’iido u leh dalalka geeska Afrikana ay ka faa’iidaysan karaan, maadaama uu jiro dadaal xooggan oo la doonayo in dalalku ka wada faa’iidaystaan is-dhex galka ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa diyaar garoow loogu jiro shir ay yeelanayaan wadamada gobalka oo lagu soo bandhigayo mashaariicda dalalku ay soo diyaariyaan ee faa’iidada u leh dhammaan bulshada gobalka.




From the comments