Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah kaasoo noqonaya wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya iyo madaxa xafiiska gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Swan ayaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay Koofur Africa kaasoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga mahadceliyey shaqada wanaagsaneyd ee uu u qabtay UNSOM iyo Soomaaliya.
Mr Swan oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya waa diblomaasi waaya-arag ah oo kasoo qabtay shaqooyin badan dalka Mareykanka. Waa siyaasi ku bixiyey waqtigiisa badankiis hawlo badan oo siyaasadeed dalal badan oo Afrikaan ahna kasoo shaqeeyey.
Wuxuu mar soo nqoday safiirkii Democratic Republic of Congo sannadihii 2013 illaa 2016, Wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya sannadihii 2011 illaa 2013 iyo waliba Safiirkii dowladda Jabuuti sannadihii 2008 illaa 2011.




From the comments