Roobab xoogan oo ka da,ay magaalada Qardho ee gobalka Bari ee Puntland iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa geestay khasaare soo gaaray dad reer guuraa ah ku dhaqan magaalada Qardho..
Roobabka oo bilaawday galinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray ilaa 9:00 kii subaxnimo ee saakay asagoo biyo badan dhigay Togaga waaweyn taas oo keentay in daaday ay soo rogmadaan.
Inta la xaqiijiyay qoys ka 8 ruux ka koobnaa 3 ka mid ah waxaa qaaday dadadkii Roobka ayagoo aan la heyn geeri iyo nololba halka 5-tii ruux ee kale gurmad loo fidiyay oo ayagoo kooma ku jira loo qaaday Isbitaalka guud ee Garowe.




From the comments