Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore, kadib wareegto uu soo saaray.
Waxaa xilkan hayey Cumar Maxamed Cumar, iyadoo loo magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo horay xilkaasi usoo qabtay.
Waare ayaa sababta xilkan uu u magacaabay ku sheegay in loo baahan yahay isbedallo iyo in la sameeyo golaha deegaanka Warsheekh.





From the comments