Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.
Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka.




From the comments