Goobjoog

Somaliland Iyo Puntland Oo Maxaabiis Is Dhaafsaday

Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay sii daayeen 14 maxaabiis ah, kuwaasi oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo ay la…

Somaliland Iyo Puntland Oo Maxaabiis Is Dhaafsaday

Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay sii daayeen 14 maxaabiis ah, kuwaasi oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo ay la galeen Puntland.

Hay’adda ICRC ayaa kasoo shaqeysay in maxaabiistan maanta laga dejiyo magaalada Garoowe, iyadoo dhanka kalena Puntland sii deysay Saddex maxaabiis oo ay ku qabteen dagaalkaasi.

Ehlada maxaabiistii maanta la keenay magaalada Garoowe ayaa soo dhoweeyay arrintan, iyaga oo u mahadceliyey ICRC.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments