Waxaa jirta suurto-galnimo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan xudduudda Soomaaliya ay la leedahay Kenya gaar ahaan magaalada Mandera sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan sirdoonka dalka Kenya.
Warkaan kasoo baxay sirdoonka Kenya ayaa muujinaya in Xarrakada Alshabaab ay isku uruursaneyso deegaanka Fino ee Mandera halkaas oo ay ka qorsheynayaan inay ka fuliyaan weerar ay ku qaadaan goobo ay leeyihiin ciidamada ammaanka ee dalka Kenya kaasoo la mid ah weerarkii Ceel-Cadde ee lagu dilay in ka badan 100 askari oo Kenyan ah sannadkii 2016.
“Waxaa jirta warbixin la helayo taasoo ah in Alshabaab ay weerar qorsheysan ka fulin doonaan xudduuddda deegaannada Mandera iyo Fino haalkaasoo ay kusoo daabbuleen saldhigyana uga sameeyeen dagaalyahannadii deegaanka Ceel-Cadde kuwaasoo horey u weeraray Xero ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Ceel-Cadde waxaana loo arkaa inay yihiin koox loo gaaryeelay inay weeraraan laamaha ammaanka ee Fino,” Sida lagu sheegay xog ay heleen sirdoonka Kenya.




From the comments