Dhagax Dhig Lagu Sameeyay Wadooyinkii Ku Burburay Daadadka Roobabkii da’ay
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay.
Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale.
“Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.”
“Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyolinka bur-buray.
Goobjoog News