Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay iyaga iyo ciidanka DFS ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee Puntland.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay Lix ka mid ah dagaalyahannada Daacish.
Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo A-shabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka DFS.




From the comments